Tan iyo abaabulkii iyo u diyaar garowgii shir siyaasadeedka ka socda Taleex, waxa dad badan oo reer Somaliland ahi dhawrayeen waxa kasoo bixi doona iyo tallaabada xukuumaddu ka qaadi doonto arrintaas. Shaki kuma jiro in shirkaasi saamayn dadban iyo mid toos ahba ku yeelanayo deganaanshaha iyo jiritaanka Somaliland, laakiinse waxa lagu kala tagan yahay waa xaddiga waxyeelada shirkaasi dhaxal siin karo horumarka Somaliland. Haddaba waxa ra’yul caamka Somaliland ay su’aalo badan iska waydiinayeen arrimo dhawr ah oo u baahan iftiimin iyo in daboolka laga qaado, kuwaas oo qaarkood si toosan ugu abbaaran yihiin shirkaas, halka kuwa kalena yihiin kuwo laga bixinayo qaabka maamul ee Somaliland Continue Reading →
17 Jan ’12
Shawky
0 comments